A thousand nights and night part 2



SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN Q2AAD

 Sheekada waxay noo mareysay qeybtii koowaad markii 2-dii Boqor arkeen waxa beerta qasriga ka dhacaayo iyo habdhaqanka foosha xun ee ay ku kaceen Naagihii Qasriga oo ay ugu horeyso Naagtii Boqor Shahri-yaar, boqor shahri-yaar markuu arkay waxa naagtiisa sameyneyso ayuu caqligii ka duulay wuxuuna walaalkiisa kayar ku yiri ” nawad walaalow aan meeshaan isaga tagnee waxba ugama baahnin boqortooyo ilaa aan kasoo aragno in adduunkaan ku nool yihiin dad anaga nala mid ah ama naga liitaan” Markaas ayuu ka ogolaaday, kadibna labadoodii si wadajir ayay ubaxeen ayagoo qasriga qaab qarsoodi ah uga baxay. 

Waxay safar ku jiraan Maalintii dambe ayay Geed hoos fariisteen iyagoo daalan, Geedku wuxuu u dhawaa bad yaro meesha ku taalay iyagoo meeshii ku nasanaayo, ayay badii halmar kacday, waxaana kasoo baxay wax aad moodo tiir weyn kaasoo  cirka isku shareeray, markey arkeen waxaaan ayay cabsi dareemeen, iyagoo geedkii orod ku fuuleen waxayna sii fiirinayeen waxaan bada kasoo baxaya wuxuu yahay. Mase waxa bada kasoo baxay Waa jinni aad u weyn aadna u dheer, oo Feero weyn wuxuuna madaxa ku xambaarsanyahay sanduuq weyn. 

jinigii sidii uu usoo socday wuxuu imaaday Geedkii ay labadii Boqor saarnaayeen, markaas ayuu Geedkii hoos fariistay wuxuuna furay sanduuqii weynaa markaas ayuu kasoo bixiyay sanduuq kale, wuu sii furay markaas ayuu wuxuu kasoo bixiyay gabar aad moodo xuurul-ceyntii janada quruxdeeda aad yaabeyso sidii dayaxana u ifeyso.

 Markaas ayuu jinigii gabadhii ku yiri “boqorodii xorta aheydey waa taan kusoo afduubtay habeenkii aqal galkaadee waxaan rabaa hada inaan xoogaa yar seexdo” markaas ayuu dhabteed inta madaxa saartay ku seexday. Gabadhii iyadoo meelaha fiifiirineyso ayaywaxay isheeda qabteen labadii boqor ee Geedka saarnaa, markaas ayay madixii jiniga inta dhabteeda ka qaaday dhulka dhigtay, kadibna usoo jeesatay dhankii labadii boqor ayay u ishaartay iney soo dagtaan. 

Markaas ayay dhaheen jinigaan Cifriitka ah ayaan ka baqeynaa, markaas ayay ku tiri soo dagta hadeydnaan soo daganini Cifriitka ayaan soo kicinaa. Markaas ayay cabsadeen weyna soo dagteen, markey soo dagteen ayay ku tiri labadiina waxaan idinka rabaa inad ila tumataan oo ila raaxeysataan, balse wey ka diideen hase yeeshee waxay ugu hanjabtay in jiniga soo kicin doonto oo uu si xun udili doono.

 Markaas ayay waxay rabtay usameeyeen, markey howshii dhameeyeen ayay waxay jeebkeeda kasoo bixisay kolay yar waxaan ku jiray in kabadan 570 Faraanti, markaas ayay ku tiri ” ma garaneysaan waxay yihiin faraantiyaashaan??” waxay dhaheen: “maya ma garaneyno”  Markaas ayay ku tiri ” jinigaan aad ujeedaan wuxuu isoo afduubtay habeenkii aqalgalkeyga wuxuuna igu xiray sanduuqaan asigoo kusii xiray 7quful wuxuuna igu riday Badda moolkeeda si uu iiga ilaaliyo wax nin ah, sidaas oo ay tahayna waxaan la tuntay dhamaan nimankii faraantiyaashaan leh, ee idiinkana isiiya faraantiyadiina”

 labadii boqor markey hadalkaas maqleen aad ayay u yaabeen waxayna isku dhaheen ” hadiiba cifriitkaan saan u weyn oo gabadhaan saan u ilaalinaayo ku dhaceen wixii anaga nagu dhacay wax kadaran waa arin cajiib ah iyo qaadan waa” markaas ayay labadoodii oo yaaban dagdag meeshii uga soo tageen waxayna kusoo laabteen boqortooyadii. Boqor shahri-yaar oo aad uxanaaqsan ayaa yimid qasrigiisa wuxuuna amar ku bixiyay in lasoo qabto naagtiisa jaariyadihii iyo adoomadii la tuntayba waana lasoo qabtay iyadoo dhamaantooda kurka lagawada gooyay. Intaas kuma ekaanine boqor shahri-yaar wuxuu amar ku biyay in habeen kasta gabar cusub loosoo guuriyo subaxiina kurka laga gooyo.

 Wixii sidaas xaalku ahaadaba mudo sadax sano kadib waxaa la waayay wax gabar, oo gabdhihii waxay isku badaleen wax la dilay iyo wax cararay. Wasiirkii uqaabilsanaa Boqorka dhanka Guurka maalintaas markuu soo waayay wax gabar ah oo uu u dhiso ayuu gurigiisa yimaaday asigoo aad umurugeysan. Wasiirkaas wuxuu dhalay labo gabdhood oo aad u qurux badan mida weyn waxaa la dhihi jiray shaharzaad mida yarna dunyaazaad, mida weyna ee shaharzaad waxay aheyd gabar mutacalimad ah oo waxbadan ka taqaano kutubta taariikhda iyo sheekooyinkii boqoradii hore iyo wararkii umadihii hore.

 Waxaana la sheegay in gabadhaas shaharzaad ah ay baratay in kabadan 1000 kitaab oo ku saabsan taariikhdii iyo sheekooyinkii hore. Shaharzaad waxay aheyd gabar aad u caqli badan waxayna aragtay aabaheeda oo  wajigiisa murug ka muuqato, waxayna ku dhahday ” Aabow maxaa kugu dhacay oo aad sidaan dhan ugu murugeysantahay?” Markaas ayuu wasiirkii gabadhii usheegay sidey wax ujiraan

 wuxuuna yiri waxaa la iga rabaa inaan caawo boqorka gabar usoo dhiso hadaaan usoo dhisi waayana kurka ayaa la iga gooynayaa” Markaas ayay Shaharzaad aabaheeda ku dhahday” Aabow aniga ii guuri labo mid ayay noqoneysaa in la idilo ama inaan madax furasho u noqdo gabdho badan oo Muslimiin ah oo halaagsami lahaayeen” markaas ayuu waziirkii yiri ” waan kuu cabsanayaa ee naftaada halis ha galinin” Markaas ayay tiri “waan ku qasbanahay midaas oo waa laga maarmaan ee ii guuri” Markaas ayuu wuxuu yiri “waxaan kaaga cabsanayaa iney kugu dhacaan wixii ku dhacay Dibigii iyo dameerkii uu ninkii beeraleyda lahaa” markaas ayay tiri oo maxaa ku dhacay aabow??

Comments