A thousand nights and night part 3

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN Q3AAD

 Wasiirkii wuxuu gabadhiisa ku yiri ogoow gabadheydiiyeey inuu jiray nin beeraleey xoolo dhaqato ahaan jiray wuxuuna lahaa xaas iyo caruur, ninkaas ALLE  wuxuu ugu deeqay aqoonta Luuqadaha Xayawaanaadka iyo Shimbiraha, laakiin hadduu ka xog-waramo uu dhimanaayo. Ninkaas beeraleyda wuxuu lahaa Dameer iyo Dibi, dameerka shaqadiisa waxay aheyd in ninka raaco ee meeshuu doono ku aado , halka Dibigana shaqadiisan aheyd in subaxii ilaa galabtii beerta lagu falo.

 Maalintii dambe Dibigii ayaa u yimid Dameerkii asigoo iska fadhiyo oo Cowskana iska cunaayo biyahana ag yaalaan wuxuuna ku yiri ” wey kuu dhacatay adiga, aniga waan daalay oo tacbaan ayaan ahay sidii beer la iigu falaayay laakiin adiga halkaan ayaad cowska iska ruugeysaa shaqo badana ma qabatid” Markaas ayuu dameerkii yiri “Talo anigaa kuu haayo Barri markii laguu yimaado oo xariga iyo tiirka yaanbada beerta lagu falaayo lagugu xiro iska fariiso, hana istaagin,

 xitaa haddey ku garaacaan hadii aad kacdana markale fariiso, markey kaa dareemaan tabar-dari waxay kuu keenayaan bal iyo cows si aad xoog uyeelato ee ha cunin, cuntada iyo cabistana jooji ilaa labo maalin, siddas ayaad shaqada badan kaga nasan kartaa” Ninkii beeraleyda ahaa sheekadooda ayuu maqlay wuuna la yaabay. subaxii ku xigay markii la gaaray ayuu Dibigii diiday inuu kaco si kasta oo la isugu dayay waa kici waayay, markaas ayuu ninkii Beeraleyda ahaa yiri dameerka hala wado oo beerta halagu falo, markaas ayaa dameerkii lawaday oo maalintii dhan beerta lagu falaayay,

 Galabkii markii uu dameerkii moorada kusoo laabtay waxaa umahad celiyay dibigii abaalka uu usameeyay iyo talada uu siiyay, laakiin Dameerkii uma uusan jawaabin asigoo si xun uga shalaayay in taladaas asiga siiyay dibiga. Maalintii labaad ninkii Beeraleyda ahaaa wuxuu u yimid dameerkii asigoo Dibiga faraha ka qaaday mar labaad ayaana beertii lagu soo falay, galabtii asigoo tacbaan ah markuu kusoo laabtay xeradii waxaa markale umahad ceilyay dibigii, laakiin dameerkii ayaan markaan ku yiri Dibigii 

“aniga waan kuu naseexeyn, waayo waxaan Maanta maqlay ninka Beeraleyda uu shaqaalihiisa ku leh hadii Barri Dibiga kici waayo waxaad ugeysaan kawaanlaha si uu uqalo wax faa,iido laguma qabee marba haduusan beeerta fali karin” Markuu dibigii hadalkaas maqlay ayuu hadana dameerkii umahad celiyay wuxuuna dhahay Barri waa howl bilabi doonaa, ninkii beeraleyda ahaa sheekadaasna wuu maqlayaa, subaxii markii lagaaray Dibigii wuxuu bilaabay inuu wax badan cuno asigoo shaqo isku diyaarinayo, subaxii markii lagaaray ninkii beeraleyda ahaa uu arkay fag fagta dibiga ka muuqato iyo siduu shaqo diyaar ugu yahay ayuu qosol la dhacay, naagtiisii oo meesha ka dhaweyd ayaa waxay tiri maxaad ku qosleysaa.

 markaas ayuu wuxuu yiri hadaan kuu sheego waan dhimanaa, waxay tiri iisheeg xitaa hadaad dhimaneyso.Markey ku adkeysatay ayuu ninkii dadkii isugu wacay si uu udar-daarmo, dadkii ayaa isku dayay in ay naagta lahadlaan oo celiyaan laakiin waa ka diiday waxayna tiri waan ogahay aniiguu igu qoslayaa ee ha sheego wuxuu ku qoslayo xitaa hadii uu dhimanaayo. 

Ninka beeraleyda ah naagtiisa aad ayuu ujeclaa wuxuu go,aansaday inuu usheego, wuxuuna aaday gurigiisa si uu labo rakaco suno ah utukado, asigoo guriga ku dhex jiro ayuu wuxuu maqlay eeygi guriga ujoogayi oo diiqa lahadlaya wuxuuna ku yiri ” diiqow adiga halkaan ayaad konton dooro iska dhex fadhisaa saaxiibkeenaa wuu dhiman rabaa” Markaas ayuu diiqii yiri “Wallaahi Saaxiibkeen haddii uu caqli leeyahay Naagta wuu iska edbin lahaa,

 aniga kontonkaas dooro ayaa ii joogto midaan hadey iga xanaaqdo inta edbiyo ayaan kuwa kale dhexda ka galaa waxaase fiicnaan laheyd in saaxiibkeena naagtiisa edbiyo ilaa ay ka toobad keeneyso” ninkii beeraleyda ahaana hadalkii ayuu  maqlayaa, kadib ayuu soo baxay wuxuuna u yeeray naagtiisa wuxuuna ku yiri qolka soo gal gooni ayaan kuugu sheegaaye, markey qolkii soo gashay ayuu si daran u garaacay ilaa ay ka qeyliso waan towbad keenaa. halkaas ayayna naagtii hadalkeedii uga noqotay dadkiina ku farxeen maadaama ay nolosha ninkii bad baaday.

 markaas ayuu waziirkii gabadhiisa ku yiri adigana sidii dameerkaas oo kale iney kugu dhacdo ayaan ka baqaa intaad isleedahay dad kale bad-baadi naftaada halis galiso. Markii shaharzaad maqashay sheekadaas ayay waxay tiri wixii dhacaayo ha dhaceen boqorkaan iiguuri anigaa diyaar u ah. sidii ayaa gabadhii boqorka loogu guuriyay, waxayna gabadhii shaharzaad aheyd lasii dar-daarantay walaasheed ka yar ee Dunyaazaad iyadoo ku tiri 

“markii boqorka la iigeeyo waxaan ka codsanaa Habeenkaas markii uu dantiisa iga bogto inaad habeenkaas wehel ii noqoto, hadii uu ogolaado waxaad igu dhahdaa abaayooy maad nooga sheekeysid sheeko cajiib ah  oo kamid ah sheekooyinkaadi halaasiga ahaa maadaa6ma aad bari naga tageysid (lagu dilaayo) aniga insha aAllah sheeko aan boqorka kaga taqaluso ayaan bilaabaa” kadibna gabadhii sidii ayaa lagu galbiyay, 

markii boqorkii loo geeyay, ayay gabadhii Shaharzaad aheyd ooysay markaas ayaa boqor shahri-yaar yiri maxaad u ooyneysa? waxay tiri “waxaa jirto gabar walaasheyda ah oo iga yar waxaana raba inaan sagootiyo ee ii ogolow” markaas ayuu u ogolaaday, kadib markii Dunyaazaad imaaday ayay hab siisay iyadoo sagootineysp, markaas ayay Dunyaazaad tiri “abaayooy maad nooga sheekeysid sheekooyinkaagii halaasiga aha mid kamid ah” 

Markaas ayay Shaharzaad tiri waan ka sheekeynayaa hadii boqorka noo ogolaado, markuu boqor shahri-yaar hadalkaas maqlay ayuu yiri bal sheeg aan maqalnee sheekooyinkaas mid kamid ah’

 HABEENKII KOOWAADHABEENKII 1-aad: 

Shaharzaad waxay sheekadii ku bilaawday: waxaa isoo gaaray Boqoroow inuu jiray nin taajir ahaa oo xoolo badan iyo caruurba lahaa wuxuuna ahaa nin aamin ah sidaas darteed bay dadka xoolahooda ugu dhiiban jireen, maalintii dambe ayuu ninkii safar galay wuxuu socdaba markii dambe wuxuu harsaday geed si uu ugu nasto, cabaar markuu geedkii fadhiyay ayuu kolay uu watay kala soo baxay xoogaa timir ah asigoo bilaabay inuu cuno,

 wuxuuna timirta lafteeda ku tuurayay meel udhow, waxyar kadib waxaa agtiisa ka kacay boor aad uweyn haduu sii fiiriyay waaba Cifriit aad uweyn oo gacanta ku sita Seef qaro weyn aadna u af badan. Cifriitkii siduu usoo socday wuxuu kor yimaaday ninkii taajirka ahaa wuxuuna ku yiri “wan ku dilayaa sidaad wiilkeyga u dishay” markaas ayuu ninkii taajirka ahaa yiri “sideen wiilkaaga ku dilay maba arkine?” Cifriitkii wuxuu yiri “Adiga markaad timirta  cuneysay laftii aad tuureysay waxay wadnaha uga dhacday wiilkeyga oo isla goobtii ku dhintay, sidaas darteed qisaas ahaan ayaan kuu dilayaa”

 Markaas ayuu taajirkii yiri “Aniga kama war qabin inuu wiilkaaga meesha joogay ee iska keey cafi” Hase yeeshee jinigii waa diiday wuxuuna ku adkeystay inuu wiilkiisa uga qisaasi doono. Markaas ayuu ninkii taajirka ahaa yiri “Cifriityhow aniga waxaan gacanta ku haayaa xoolo badan oo ay dad leeyihiin kuwaas oo amaano ahaan iigu dhiibtay waxaan leeyahay xaas iyo carruur ee ifasax si aan qofkata xaqiisa usoo siiyo, waxaana kuu ballan qaadayaa markaan qof kasta xaqiisa soo siiyo inaan kuusoo noqon doono si aad wiilkaaga iigu qisaasto hadalkeygana Allaah ayaa wakiil iiga ah”

 Markaas ayuu jinigii ka ogolaaday. sidii ayuu ninkii kusoo baxay wuxuuna yimid magaaladii uu daganaa asigoo isugu wacay dhamaan dadkii iyo ehelkiisa si uu qofkasta xaqiisa usiiyo, markuu dhamaan dadkii xaqooda siiyay ayuu u sheegay sideey wax ujiraan iyo xaalka halkuu maraayo . xaqooda siiyay ayuu u sheegay sideey wax ujiraan iyo xaalka halkuu maraayo . 

Markaas ayay dhaammaan qoyskiisii iyo ehelkiisii wada ooyeen iyagoo sagootiyay adna uga xun sideey wax u dhaceen, ninka maadaama uu balan qaaday si uu balantiisa u oofiyo markuu qofkasta xaqiisa siiyay ayuu soo baxay, asigoo soo aaday halkii uu jinga kula balansanaa. Wuxuu soo socdaba asigoo karfantiisa wato markuu imaaday geedkii hoostiisa ayuu iska fariistay wuuna iska ooyay, xooga kadib asigoo ooynaya waxa meeshii soo maray oday wata deero, wuu salaamay ninkii wuuna wareystay wuxuna ku yiri “Maxaa kaligaa halkaan oo ah baholo galeen jinyada ku noolyihiin ku fariisiyay oo aad ugu ooyneysaa??” 

Ninkii taajirka ahaa ayaa uga sheekeeyay sideey wax udhaceen , markaas ayuu odaygii go’aansaday inuusan ka tagin ilaa uu ka ogaado sheekadaan halka ay ku dhamaan doonto, iyagoo meeshii sidii ufadhiya ayaa waxaa yimid oo wadadii soo maray nin labo eey wato is wareysi kadib ayay usheegeen sidey wax ujiraan markaas ayuu asna go’aansaday inuusan meesha ka tagin oo qisada dhamaadkeeda ogaado, Iyagoo sidii meeshiisii usii fadhiya ayaa hadana waxaa jidkii soo maray nin baqal wato is wareysi kadib markey u xog waramee ayuu isna go’aansaday in sheekada dhamaadkeeda ogaado.

 Afartoodii oo meesha sidii ufadhiya ayaa waxaa uyimid Cifriitkii oo seeftiisii qarada weyneyd wata, wuxuu soo qabsaday ninkii taajirka ahaa si uu wiilkiisa ugu qisaaso. Markaas ayaa waxaa hadllay odaygii deerada watay wuxuuna yiri “Jiniyahow Taajkii boqoradoow hadii aan kaaga sheekeeyo sheekada na dhexmartay aniga iyo deeradaan oo aad ka hesho ninkaan dhiigiisa sadax meelood meel ma ii hibeyneysaa??” markaas ayuu cifriitkii yiri “hadii ay icajabiso haa waan kuu hibeynayaa” markaas ayuu odaygii sheekada ku bilaabay sidaan:

 Deeradaan aad ujeedo waa xaaskeyga ahna ina adeertey, iyadoo yar ayaan guursaday, mudo markaan isqabnay oo waxna ii dhali weysay ayaan waxan sameystay jaariyad waxayna ii dhashay wiil aad uqurux badan wajigiisana u ifaayo sidii dayax 15-aad ah. Waxba yaanan war kugu daalinine maalintii dambe ayaan safar aaday, markaan baxay ayay naagteyda oo sixirka wax ka taqaanay sixirtay wiilkeygii iyo hooyadiisba iyadoo ka dhigtay lo’ iyo dibi. Kadibna waxay u dhiibtay ninkii xoolaha ii qaabilsanaa,

 markaan mudo kadib safarkii kasoo laabtay oo aan reerkii imid ayay naagtii iisheegtay in jaariyadii dhimatay wiilkeygiina la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay, aniga arintaas aad ayaan uga murugooday. Maalintii dambe ayaa waxaa dhacday in lagaaray ciidii udxiyada, ana si aan udxiyo u qalo ninkii xoolaha iiqabilsanaa ayaan waxaan ku iri lo’ aad u buuran iisoo qabo, markaas ayuu iisoo qabtay lo’dii jaariyada aheyd,

 markii la ii keenay ayay rafatay oo ooysay anigoo yaaban ayaan qalay laakiin waxba wey kasoo bixi waayeen kaliya waxay noqotay lafo iyo maqaar. Aniga arintaas aad ayaan ula yaabay markaas ayaan ninkii xoolaha ii qaabilsanaa ku iri iikeen Dibi, maadaama lo’dii hore hilib laga waayay, balse hadan wuxuu iikeenay wiilkeygii dibiga ahaa, markii la iikeenay ayuu asna ooyay oo raftay inta ka yaabay ayaan ku dhahay war iga wad Dibigaan ee mid kale iikeen. Markaas ayaa mid kale la iikeenay oo qalay,

 laakiin waxaad ogaataa inta waxaas dhan dhacayaan naagteyda wey na dawaneysaa. Markii sheekada halkaas mareyso ayay Shaharzaad ogaatay in subaxii lagaaray markaas ayay sheekadii iyo hadalkii u banaanaa joojisay. Markaas ayay walaasheeda ka yareyd ee Dunyazaad tiri “Maxaa ka macaan badan abaayo sheekadaad waxaan jeclaan lahaa inaaad noo dhameystirto”

 Markaas ayay Shaharzaad tiri “Dadii boqorka ii ogolaado inaan noolaado sheekada waan dhameystiri doonaa habeen dambe sidoo kalena waxaan idiin sii sheegi doonaa sheekadaan mid kasii fiican” markas ayuu boqor Shahri-yaar is yiri waa sheeko xiiso leh ee hadilin ilaa ay sheekada ka dhameyso. Sidii ayuuna ku go’aansaday inuusan dilin ilaa ay sheekada ka dhameyso. Subaxii markii la gaaray waxaa yimid waziirkii gabadhii dhalay oo karfanteedi wada aadna u murugeysan, balse markuu

Comments