The Earthquake

              


Maansadii : DHUL GARIIR 

Waa Maansadii Abwaan Max'ed Ibraahim Warsame 'HADRAAWI' ee uu ka tiriyey Cudurka soomaalida dullaystay, facoodna ka reebay ee HAYB-SOOCA Horraantii Bishii May 2007. Abwaanka caanka ah ee "Hadraawi". Hadraawi wuxuu gabaygan ka tirshey madal loo agaasimay dadka la haybsooco ee Soomaalida. Eebbe ayaa Quraankiisa Kariimka ah innoogu caddeeyey in qofka agtiisa gobta ka ahi yahay kan camalkiisu suubbanaado cabsida Rabbina ku dheer tahay.

 Waxay ila tahay ruux Eebbe u hogaansami waayey oo quudhsi dan mooday inaan gabaygan Ina Walanwal waxba deeqsiin karayn laakiin kolleyba isaga xilkii saarnaa waa ka dhacay mar haddii garaadka Eebbe siiyey uu ku iftiimiyey dulmigan waayo soo jireenka ah ee qabiixa ah. Waa gabay dheer oo ruuxba inta Alle kaga anfaco uu ka qaadan karo.Tixdan oo soo baxday bilawgii bisha May,2007 ayuu tiriyey. 

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibban baad tahaye

 tu kalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone 

dhallintii caleemaha lahayd waygu dheertahaye

 haddaan Beegsi kala soo dhex baxay tooda meel dhigaye 

labadii dhallaannimo lahayd ways dhar urisaaye 

berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaaye 

ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqeeye

 hadduu dhagaxu kala hayb tirsado dheemman baad tahaye

 Suugaantu waa dhaqan haddana waa sed iyo dhiibe

 dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meele 

dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaannaaye 

qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo e 

 dadka dhiiri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye 

sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaaye 

dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo shiile

 sida dhuuni qaataha murtida looma dheeh tiro'e 

dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halise 

dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherershaaye

 dhexroor iyo waxa lagu xajaa weliba dhaad dhaade 

dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumuc weyne 

hadalkana nin yidhi waa dhigaa sii dheh baa dilaye

 inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede 

 dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye 

iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne 

Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxaye

 dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisiiye 

dhawdhawda Qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhiye 

kana dheer is yeelyeelka iyo iidheh iyo faane

 qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhedhamayaaye. 

Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihine 

in la sii dhaqaajey rabtaa dhaygag badanleeye

 oo loola dhaadhaco halkey dhuux ka leedahaye 

 waxa lumay dhudhumintii runtiyo dheelli tirihiiye 

inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo koowe 

dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayde 

dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhoorruhuye 

dhan xiirradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaane 

sinnaantey dhaliil moodayaan tii ilaah dhigaye 

dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara e

 marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka 

dhiilaha nin buuxshaa ma jiro dhacarta jiilaale

 dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraaye 

hal dhabaalahaa awgayow tii dhamayd geliye 

hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye. 

Laan dharab ka toostiyo Hibooy dhool cas baad tahaye

 dhalankaagu waa luulka iyo dhiraha yaaquude

 malaha roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha lehe

 dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye 

dhibic iyo cadceed looshan iyo dhool gu’ baad tahaye 

qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo seese

 dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaabe 

dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada'e 

dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laallida'e 

ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaaye. 

 Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo miisaane

 Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaaggaaga 

Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye

 Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalaye 

adigiyo hablaha dhinaca kale waysu dhigantaane 

dhud qudhaad ka wada beeranteen dhaadashada guude

 Dhab dhab baad ku kala leexateen adiyo joog dheere 

Dhawawalanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta 

Dhab darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaaye 

 Dhimir bay ku saareen dabool baali kaa dhigaye

 Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye

 Dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga dhaxanta saarsaaran

 Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacaye

 intaad adigu dhiillaysan tahay taydu waa dhicise! 

Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye 

inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede 

dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye\

 iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne. 

Dhafdhaf iyo halhays beena baad soo dhadhabateene 

dhugatiyo cad xaaraana iyo dhoohan may cunine 

 dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale e

 dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigaye 

dhaqankaas canbaaraynayaa saaray dhiillada e 

labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahaye 

weligeed dhibaatada adduun looma soo dhixine 

dhaandhaanno maahee kashaa dhooli mood tahaye

 intii aad dhisnaydeen iyagu way dhur sugayeene 

dhufaannimo hagooglay intaa kula dhex joogeene 

dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide 

dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhane 

dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jiraye

 cishadey dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto 

dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe 

Rag hadduu dhabiiltamo naftey dhigi yaqiinneene

 in kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinnimo sheegto

 mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhalasho mooyaane

 dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye 

Dhar-dhaarrey ahaayeen intaad dheri lahaydeene

 dhaddiggiyo labkoodaa kan kale dhinacyo taagnaaye 

ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayine 

gudmahay dhabbeeyeen ka badan lag iyo dheeraade 

 hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane 

Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaade

 waligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline 

dhay iyo karuur labada weel dhoosha may geline 

hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne 

dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine 

Si baa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine 

dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine 

dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine 

Dhoof bay ku daysteen inay sibiq dhaqaaqaane 

 dhalashada inay dooriyaan bay u dhowdahaye

 dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine 

dhaaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligiiye

 hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilaye 

inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede

 dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye 

iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhanne. 

Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye 

hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene 

intaad weel manno ah dhaamiseen way dheg weyntahaye

 ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye

 dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede. 

nin xaqiina meel hoose dhigay tiisu waa dhedo'e 

xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane 

naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye 

kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye 

Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye 

Sida Dhooddi-meerkii taleex haw dhaqaaqina e 

dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura e

 haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo 

dhanka eebbahay xiga adduun wayska dhalanteede. 

 Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo e

 waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeene

 waa kii dhamaastiyo falkiyo keenay dhalanteede 

waa kii dhibaatada la yimi dheegga dheegaha e 

waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye

 maantay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladuna 

markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye

 waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene 

gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye

 dharaartaana waad wada jirteen dhiiftu kululayde 

waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye 

 Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiile

 dhiilladu halkay weeran tahay looma faal dhigine 

waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye

 weligeed dhan baa qaawanaa dhidibbadeediiye

 Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye

 shinkeedii markey dhaaftay bay keentay

 dhabandheebe dhab-darro uma toosine 

nabsigu wuu dharaarsadaye dhacan baa la saaraa

 halkuu eel ka dhowyahaye 

markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye 

Nin dhug lihiba wuu garanaya suul dhabaalaha e

 dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye 

dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhababaceeye 

dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye 

Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga e 

waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helaye

 dhuxul hoos ka nool iyo dab baa soo dhabiib kiciye 

Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda 

markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare 

af dhabaan dhabkeedii haddana waan ku dhiirradaye 

dhanbaalkii digniintaan is idhi caawa yuu dhixine 

Dheehada Rashiidow mar baan neefka loo dhigine

 magaceeda oo laba kor dhaban yey dhewelantaaye 

 marka dhiilka lala hoos galey meelo dhugataaye

 Ummadyahay dhab baa loo hadlaa waad is dhigateene 

dulmigii lafaha dhuuxay baad dib u dhardhaarteene

 ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteene

 gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye 

garaadkiinu wuu dhaafsan yahay dhiilkan buuxsamaye

 maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye

 caaway u dhowdahay haddaad dhugasho siisaane.

 Dhillowyahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale e 

imminkuu dhabbada soo hayaa dhaanki reer Yurube

 nin kaastoo is dhoob dhoobi jiray dhigaha loo laabye 

dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye 

markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye 

Dhallinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye

 waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye

 waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye

 dhuuqdhuuq layaashii batiyo heen dhalaalshuhuye 

dheri bay ku wada foorartaa diiddan dhaqankiiye

 Dhaddiggiyo labkeedii waqtigu dhaal isugu keenye 

ummaddii dhiraha kala lahayd ways dhex huruddaaye

 dheg dheggiyo lafaha dhuubtay iyo dhogor xumaantooda 

qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamaye 

hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure 

 haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeediiye

 Dhibaatadan xilkeedii horaad uga dhabcaasheene 

maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegine 

Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho

 inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo 

haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weliba dhiib dhiibo 

anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho 

dhaqdhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajo? 

Dhabtuun baa khalqigu diidaya meesha dheer tegaye

 dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye 

la dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane 

qofba wuxuu dhigtuun baa u yaal dhiilka aakhiro e 

 ninkii dhiirri sheegtoow is furo way dhanaan tahaye.

Comments