SUUGAANTA IYO QEYBEHEEDA
.1: waa maxay suugaan?
Macnaha luqadeed ee erayga suugaan, waxaa ka mid ah;
✓ Cawska roobaystay oo qoyay geedaha ugu horeeya ee kaso baxa , naqa, doog, cosob, magool, suugaan.
✓ Layrta qabow ee kadanbeysa roobka da’a; yalanyalxo.
✓ Budada haruurka. Qeexida cilmiyeed ee erayga suugaan, (literature)
✓ Waa hadal xaalad ama falsami laxiiseeyo leh.
fan iyo suugaan Waa maxay fan?
Erayga fan, (arts) ama (فن(, wuxuu kulmiyaa dhamaan curinta iyo halabuurka dadka kaso maaxda ee kuso gudbinayo dareenkiisa iyo fariintiisa, sida erayada, sawirka, muusikada, qorida geedaha, ama dhagxaanta iwm. Halkaas waxaa kafarcamaya laamo kala duwan oo fanku u uqeybsamayo. Maxaa ka dhexeeya fan iyo suugaan? Suugaantu (literature) waa laan kamid ah fanka, oo ah fanka hadalka!
Qeybaha suugaanta Suugaanta waxaa loo qeybiyaa labo qaybood: tix iyo tiraab.
Tix waa hadal kasta oo leh dhacdo iyo qaafiyad. Tiraab waa hadal labadaas – qaafiyad iyo dhacdo – midna lahayn. Tusaale1: Tiraab: Nin is faanshay wuxuu la mid yahay ri isnuugtay. Tix: Ri’ isnuugtay meel uga ekaa, nin is ammaanaaya. Tusaale2: Tiraab: safiya xaajiyeey waan ku sugayaaye soo soco. Tix: soo soco safiya xaajiyeey, wan ku sugayaaye. Tusaale2: Tiraab; gabaryahay, sidii oo aad hugaygii tahay; ama aad geeri iga baajineyso; amaba dunida gabdho kale laga waayay; bal gardaradayda, maxaan kaaga samri la,ahay? Tix: sidii aad go’aygii tihiyo macawistaan goostay Suugaanta Soomaalida Ama godkii aakhiriyo, geeri iga baajin Ama aan geyiga lagu ogeyn, gabadh kaloo joogta Gardariyaa maxaan Hodan Cabdaay, kaaga go’I waayay.
Macnaha labada tusaale ee kastaa waa isku mid, laakiin habka macnaha lagu sheegay ayaa kan hore tiraab yahay , kan danbane tix yahay. Bal aan eegno sheekadii caanka ahayd ee “qayb libaax”. Sheekadaan qof kastaa waxaa uu ku wariyaa erayadiisa ayadoo macnaha iyo fariinta ay gudbineysaa isku mid yihiin. Sheekadaan, abwaankii Xuseen Dhiqle waxaa uu ku sheegay tixdan:
1. Qayaashmaash libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore.
2. Wuxuu yidhi “hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye”.
3. Markaas buu qanbaabilihii qoonsadoo dayaye.
4. Dharbaaxuu il kaga qaaday oo hoorka soo qubaye.
5. Af-qashuushle goortuu dhintuu sii qataabsadaye.
6. Dawacuu markaas soo qabsaday sida qisaaseede.
7. Iyadoo qadh-qadhi buu ilkaha, qoor qabkii xogaye.
8. Wuxuu yidhi, “qanjaafula xumey, tali qadaarkaada”.
9. “adeer gacalle qaar iyo dalool, qowdho iyo feero
10. Qummud iyo baruur iyo lagiyo, qowlihii kuruska”.
11. Waxay tiri “islow qeybiyee, neefka wada qaado”
12. Markaasu dugaagii qabsaday, qoobab kadafleeye.
13. “isaguba qareen maleh dayoy, qayliyaha aare.
14. Innago quruun dhana maxaa, qado inoo diiday”
15. Waxay tiri: “qacdii hore haduu, cali kusii qaaday
16. Kii inoo qabweynaaba waa, qooq wax loo dilaye
17. Badh baa kuu qismo ah waa wuxuu, eeday qaar yare’ e
18. Anigoo qadaarkana miyaa, qamash kaso waaqsan?”
19. Qudheydaan u yaabaye miyaan idin qasaarteeyay?!
20. Anna qaabadii baan ahoo, lay qulqulateeye
21. Labadii qof ee igaga hadhay, qaafadii dumarka
22. Middii qurux urooneyd haday, cali la qooqeyso
23. Iska qaata naadaba rag bay, qaac u shidataaye.
Maansadaani waa isla sheekadii qeyb libaaax oo tix ahaan la inoogu soo gudbiyay. Tixdaan Xuseen Dhiqle markasta waxaa ku tebineynaa erayadii uu Xuseen Dhiqle ku adeegsaday. Markaanse, sheekada qayb libaax tiraab ahaan u sheegeyno qofka kasta erayadiisa asigaa xusha.
Astaamaha tixda Suugaanta Soomaalida Astaamaha ay tixdu leedahay waa dhacdo iyo qaafiyad, waana latebiyaa. Dhacdadu (rhythm) (أاليقاع (waxay suugaanta kadhigaysaa mid sargo’an oo leh hab-dhac muusiko, iyo luuqeyn. Dhacdadu waxay ka dhalataa miisaanka baydka oo la raacinayo khad jeexan oo aan laga duwi Karin; waxaana halkaa kadhalanaya “badda” ama “godka” ay tixdaasi ku socoto.
Qaafiyaddu (Alliteration) waa adeegsiga iyo soo celcelinta xarafka ay maansadu kusocoto,waxayna qayb ka tahay jaangoynta dhismaha tixda. Munaasabadii calansaarka ee 1960kii, wuxuu Cabdullahi Suldaan “Timacadde” ka tiriyay maansadiisii “kaana siib, kanna saar” ee uu yiri : Calankaanu sugeynayee Sahankiisa ahaynoow; Seermaweydo hilaacdayoow; Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayoow Saq dhexaanu aheyne Kii soo saaray cadceedoow… Markaad u kuur gasho maansadaan, waxaad arkaysaa iney leedahay dhacdo iyo miisaan u yeelaya muusiko iyo luuq isku mid ah oo kawada dhexeeya baydadka maansada, oo ah xarafka “s”.
waxaana lama huraan ah in bayd kasta uu kujiro eray ka bilowda xarafka “s”; sida sugeynayee, sahankiisa, seermaweydo, sagal…. Tixdu, god kasta oo ay tahayba, waa in la ilaaliyaa dhacdadeeda iyo qaafiyada ay ku socoto. Hadii lajebiyana waa ceeb tixda u soo hoyatay, loona yaqaano “deel-qaaf”. Qofkii maansadiisa deel-qaaf lagu arko, waxaa loo qaadanayaa qof halabuurnimada diriqsanaya, waxaan dhacda in abwaanada kale iyo dadweynuhuba ceeb iyo canaanba usoo jeediyaan.
Tixda waxaa lagama maarmaan u ah “tebinta”ama “verbatim”, oo ah erayadii ay kuso aroortay in sidoodii loo xafido, laguna wariyo marka lasheegayo. Geeraarka “Timacadde” iyo maanso kastaba, waxaan kuso tabinaa erayadii abwaanku adeegsaday, ee uu maansada ku curiyay. Marba haday tix tahay tabinta waa lagu qasbanyay, oo eray kali ah lagama badali karo. Hadii laga badalana ma naqaneyso tixdii abwaankaasi curiyay Suugaanta tiraabta ahi uma baahna dhacdo iyo qaafiyad midna; sida badan dhacdo iyo qaafiyad looma yeelo.
Mararka qaarkood, waxaa la arkaa in halabuurku tiraabtiisa u adeegsado dhowr weerood oo isku sargo’an, oo u ekaanaya iney dhacdo wada yeelanayaan. Laakiin sida badan, taasi laba ama sedax weerood madhafto. Sidoo kale, suugaanta tiraabta ah waxaa lagu arkaa erayo isku xiga, oo qaafiyad kuwada socda. Qaafiyadda nuucaan ah, ee tiraabta kusoo aroorta, waxaa lagu magacaabaa “sajci”(1). Sajcigu malahan qaafiyad taxan min bilaw ilaa dhamaad waase erayo isku qaafiyad ah oo weer ama weero isku xiga kusoo Suugaanta Soomaalida.
arooray, kadibna erayo kale oo qaafiyad kale kusocda ayuu halabuurku ugudbaa. Guud ahaan, sajcigu tiraabta wuu qurxiyaa, haduu ku batose quruxdaasi way dhaawacantaa. Dhinaca kale, tiraabtu uma baahna “tebin” waxaa kufilan “werin” kaliya. Tiraabta laguma qasbana erayadii ey kusoo aroortay in laxafido, amaba lagu sheego marka lagudbinaayo; waxaa loo baahanyahay kaliya in macnaha la xasuusnaado, lana wariyo, tusaale ahaan, waxaynu badiba dhegeysanay sheekooyinka soomaalida caanka ku ah, sida sheekada Dhegdheer ama Cigaal Shiidaad iwm.
In kasta’oo sheekooyinkaasu isku mid yihiin, hadana qof kasta erayadiisa ayuu ku wariyaa; waxaa lawada ilaaliyaa dhacdooyinka sheekada iyo nuxurkeeda, laakiin erayada lagu warinayo qofna iskuma daaliyo xafididooda.
Qeybaha tixda Tixda waxaa loo qeybiyaa labo qaybood oo waaweyn oo kala ah: maanso iyo heeso. Maansadu waa tix latiriyay oo kaligeed la gudbiyo. Maansada waxaa kamid ah gabay, geeraar, jiifto iwm. (maanso = tix sooc ah) Heesuhu waa tix la tiriyo iyada oo ay wax kale wehliyaan. Waxyaabaha heesta wehliyaa waxaa ay noqon karaan jiib, jaan, sacab, or, muusik iwm. Heesaha waxaa loo qeybiyaa afar qeybood oo kala ah: hees howleed, hees caruureed, hees ciyaareed, iyo hees muusik. ( heestu = tix + wax kale). (1)Erayga “sajci) waxaan kasoo amaahanay suugaanta af-carabiga. Suugaanta Soomaalida
CAQLIGA WANAAGSAN
Maansadaan wxaa tiryay Xasan Sheikh Muumin. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa qiimaha aqliga fiican, wuxuuna yiri:
Goronyadu ilmaheeda,
Aroori bay dhigtaayoo Aboodigu ku laayaa,
Shimbirtuna aroosay Ilaxidhoo amaana bay Ubadkeeda seexisaa.
Kala awran labuduye Edebtiyo aqoontiyo Asluubtay isku dhaafeen,
Aqligii wanaagsani Itaal inuu ka roonyahay Bal eegoo u fiirsada.
*** Ilka weynow maroodigu Arladuu mirtaa buu Cadawgu ku ugaadhaa
Aboorkuna dundumadan Aragnay buu dhistaayoo Naftiisa ku ilaashaa.
Kala awran labaduye Edebtiyo aqoontiyo Asluubtay isku dhaafeen,
Aqligii wanaagsani Itaal inuu ka roonyahay Bal eegoo u fiirsada ***
Ma ogtahay sagaaraadu Awaarahay qoddaayoo Saaladeeda ku aastaa,
Libaaxuna ma asturee Hilimmaduu ku arooruu Digadiisa ku aslaa
Kala awran labaduye Edebtiyo aqoontiyo Asluubtay isku dhaafeen,
Aqligii wanaagsani Itaal inuu ka roonyahay Bal eegoo u fiirsada.
ALLAHAYOW NIN II DARAAN
Ugaas Nuur Ugaas Rooble Wuxuu ahaa hogaamiye magac weyn ku leh deegaanka Boorame Iyo Seylac, Wuxuuna dhulkaa ka arimin jiray ka hor intaan gumeysigu dhulkasoomaaliyeed qabsan. Tixdaan wuxuu ugaasku ku sheegayaa garashadiisa diblamaasiyadeed ee uu dadka ey is hayaan kula dhaqmi jiray wuxuuna yidhi:
Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay
Nin ii daaqsanaaya maxaan, daafidow kariyay
Jidhku nimaanu dooneyn maxaan, hadalka deeqsiiyay
Ma degdego e xaajada maxaan, uga dulqaad yeeshay
Waji dabacsan daymo aan dareen, gelin dubaaqiisa
Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso
Qosol debadda yaaloon ka iman, dhuunta dacalkeeda
Kanaan degay kanaan doorka biday, kani dan baan mooday
Waxaan dood kaftan ah sheekada, uga daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu, degelka soo saaro
Intiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho
Isagoon dareen qabin maxaan, kaga dayaan siiyay
QOLO MASHEEGTEENE
Gabaygaan waxaa tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) sanadkii 1992. Wuxuuna abwaanku faaleynayaa xumaanta qabyaaldda. Gabayga oo aan halkaan ku dhameyn, abwaanku wuxuu yiri.
Quruun waliba cudur qaas ahoo, qeybiyaa jira e
Soomaali bela loo qoraye, qalinka loo saaray
Wax qabiiln ka daran jahannamaan, qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye, qolo ma sheegteene
Qof waliba la’ qabyaalad iyo diin, qaadi kari waaye
Uma qeybsamee meel unbuu, qac uga siiyaaye
Ma’anaa qur’aankiyo kataga, qowlki nabigeenna?
Qabrigayga ma’anaa qotoo, qubaya diinteyda?
Qatli muumin ma’anaa hub iyo, qarash ku taageera
Ma’anaa qabiil door bidoo, qaranka aafeyay?
Waa quud ka dhigo ruux muslim ah, hilibki qeyriine
Ilaahow adigu heygu qaban, qaadir baad tahaye.
WAX YEELADA QAADKA
Dhibaatada iyo waxyeelada uu qaadku leeyahay waxaa ka hadlay abwaano badan oo uu ka mid yahay Xaaji Aadan Axmed Afqalooc, wuxuuna yidhi:
1- Qaadkii allahayow muxuu, qarax inoo keenay
2- Qabsinnadii muxuu owdayoo , xididadii qoomay
3- Maxaa doobab qaro weyn lahaa, qalin ka dhuubnaaday
4- Qaan gaadh midaan noqon muxuu, qaaxu ku abuuray
5- Maxaa baarqab qaalmihii ku jira, qooqi kari waayay
6- Maxaa naag ninkii qabay furoo, qeydo dhaaf noqotay
7- Maxaa qani adduun badan lahaa, inan qasaareeyay
8- Muxuu shaqo qabyo aheyd ninkii, qaban lahaa seegay
9- Maxaa habar caruurtii qubtoo, oday qasiisoobay
10- Maxaa qaawaniyo tuug bartoo, suufi waran qaatay
11- Maxaa qoys isku hoggaansanaa, qoloba meel aaday
12- Maxaa duul dhan oo wada qayila, qaan ka bixi waayay
13- Muxuu inan qarsoonaan jirtay, gaari qumayeeyay
14- Muxuu maal qiyaas li’I ku lumay, qaatay cadawgeenu
15- Maxaa qaar mirqaan ka hadliyo, qalad ku faalowday
16- Muxuu ruux ayaan qudha ka hadhay, kaadidii qabatay
17- Maxaa geel jir tuula u qabtoo, qaanki ka halaabay
18- Maxaa gowsihii miduu ka qubay, qori ku mooyeeyay
19- Aniga iyo qeyrkey muxuu, qoomama u geysatay
Comments
Post a Comment