Hadraawi poem


Hadraawi isa sudhan gabay jacbur ah

 Adduunyadu waa besteed!
 Haddaan idhi Boqorkayow 
Waxaan idhi Boqorkayow
 Allow barashaan ogeyn
 Intay tahay baaxaddaa 
Qofkuna badow buu ka yahay 
Inuu kugu soo ban-dhigo
 Bayaannada aan fogeyn.
 Bishmaan u daraandarayn 
Inuu boqolkaaga magac
  Intuu Bisinkaagu yahay 
Ka sheego wax aan badnayn.
 Waxaad tahay gun iyo baar
 Ballaadh iyo deeq mug weyn 
Waxaad tahay beer janna ah
 Waxaad tahay baarri faxan,
 Intaad bixisaa raxmada 
Intaad burisaa raja ah 
Intaad hanataa ka badan 
Baxaalliga hawl adduun 
Wax-beelka intaan hurayn 
Bushaaro hayaad u tahay.
 Waxaad tahay baahi-laawe 
Waxaad tahay baahidayda.
 ILaahnimadaada buuxda
 Qof waayey ma baadi-doonin.
 Rugaa Boqortooyadaada 
Qofkii u bal-reebiwaayey
 Ma xeerin badbaadadiisa.
 Xuduudka baddaada caaggan
 Qof tiigsadey baylah weeye.
 Kulaylka buruuddadaada 
Sharkaaga badheedhka dhiirran
 Baqaa lagu aaminaa,
 Burjina Adigaa ku sugan 
Awoodaha baaca dheer. 
Adduunyadu waa berdaan
 Run baa la-bog-dooxayaa 
Dadkaa la-bilkeedayaa, 
Higsiga baradeeda nool 
Waxaa lagu beegsadaa
 Baxnaaniyo toogo-hayn
 Boqoolkuna waa jiraa, 
Naftana ballankii ka yiil 
Haddaan lala beretansiin
 Waxaa lagu beegmayaa 
Bayuuraha aan hambayn.
 Hadday tahay beri-samaad 
Ta baasina way ag taal
 Haddaan laga baydhsanaan. 
Dhulkana Bidixlaa ku nool
 Waxaa jira beenawaas, 
Ibleyskuna waa bakhayl 
Bahdiisuna waa yiciis.
  Balway ku hor qaadayaan
 Bustay kugu laabayaan 
Wedkay balag saarayaan, 
Hadday buro kaa helaan
 Waxay kugu badhi furaan
 Dharaaraha baane jiro, 
Belaayana way guddaa 
Bariisana way dhacdaa,
 Haddaan laga sii bed-qabin 
Waxaad ku baraarugtaa
 Beentaadu runtay necbayd. 
Barwaaqo markay hayaan 
Hadday isa sii bidaan 
Baxdowga markay yihiin 
Hadday isu sii bogaan
 Addoomuhu ways bulaan. 
Waxay cadho biirsadaan 
Waxaa lagu sii badaa 
Xanuun iyo boogo kale.
 Hadday isa sii baraan 
Inay berri sii cunaan
 Banbaaniyo xaaja guud 
 Haddii baga loo cuskado
 Bulshiyo wada-doonistii
 Qof iyo wada-buul-dhis tahay 
Yiqiintuna bowsi tahay 
Nin iyo keli loo bokhrado
 Hiyigu kala-baadsan yahay 
Bartii qof yaqaan hungow
 Bil-khayrtuna way fog tahay. 
Markay naftu baadi tahay 
Haddaan bahal Kuu sanqadhin
 Cabsida bixisaa ka weyn. 
Hadduu qofku been dugsado
 Baqaa lagu xeerayaa
 Bahduu ka curyaamayaa 
Wax baydadiyaa eryada
 Cishaba babbisaa hor taal, 
Waxaa ku bannaan runtii 
Waxay u ahayd ku beel 
Dhankeedana bayr ka qaad
 Inay tahay baahi, diid 
Haddana yidhi baadi doon 
Halkeeda wax buuxin kara.
 Berruu ka saluug qabaa 
Bursuu ku xujoobayaa, 
Duruus u habee baryada 
Beybeysiga hawl ka dhigey
 Bishmaa ka calaacalsii 
Sengii faney Booddo-waal, 
Xumaanta u beer-nuglaa 
Bahaynta ku caado goo
 Shan baabbaco hoo ku qaad
 Idaa gudhay loo baqee
 Xanjiyo xabag loo bad-badi 
Haddana balawaas ka qaad 
Busaaradi waa halkii 
Hungaa baradiisa taal.
 Cishaba filan-waa ku baah 
Cishaba garan-waa ku biir 
Saqaa dhexe baaq u yeedh 
Canaan ka bariisan waa.
 Belaayo waxay tustaa
 Markuu isa sii barkado 
Inuu weli sii baxsado.
 Baraad-la’ usii galgaley 
 Qallooc isu sii barbari
 Bidaartana sii arradi 
Wanaagga ka baali noqoy
 Intii bilan sii illow 
Buddiisana sii gorgori
 Waxyeellada sii bogbogey
 Adduunyada baylah mood
 Runteedana boob ku waa
Dhabteeda bannaysan waa
 Dhibteedana baajin waa
Badhaadhena ciil ku waa 
Walaacana baan ka waa 
Badbaadana meel u waa. 
Naftana biya-dhiijin waa
 Dharaarna is-baadhi waa 
Kashana boholyow ka waa, 
Badheedh lagu sii hubsado
 Hiyiga barakaysan waa 
Hankana ku barooran waa, 
Haddaan baqe fuushanayn
 Inuu yahay buur ku diid 
Dareennada boorta neceb, 
Guddoonsey is-been-farriin
 Badroolka inuu ku sugo. 
 Bisaylka hadduu qof diido
 Biraynta ku faani waayo 
Bakhtuu uga sii socdaaye
 Hadduu qofku baydda goosto
 Inuu bini-caashaqiisa
 Ku baayaco geeridiisa 
Baraar adhi baa taqaan. 
Xalaashiyo buunigeeda 
Haddaad u buseeli weydo
 Bogsiinta ka raadi maaha 
Wixii lagu sii bukoodo,
 Xumaantuna waa basari
 Naftay bilic-guurisaa,
 Bidhaantuna maaha ruux 
Haddaanay lahayn burhaan
 Badh kaa maqan baad la’dahay 
Basaastuna waa qalbiga 
Kashaa laga baal qoyaa,
 Intaas ha ka dhaafin baal. 
Waxaa isu soo bulladay
 Bugaanbugihii wakhtiga
Bilaash-jeceshii casriga, 
Bulaanbuliyey tumeen
 Dadkuna budulkooda raac 
Siyaasina beel ku dhoof
 Dantiisa ku baadi doon
 Ku baaji xilkay lahayd 
Sidii goray baar-caddee 
Ballaadhsiga diin ka dhigey 
Baxnaanada sii adkee 
Hilaadaha sii burburi 
Bawaarkana sii ulee
 Bilaale ka qaad yaraa
 Cishaba huri duur belbela 
Billaawaha sii casee
 Billaahida sii xasee 
Buskeeda ku sii xabaal
 Biliiliqo sii dhudhumi 
Baruurana sii fantee 
Awaalaha sii basaas 
Sidii buro soo noq-noqoy. 
Markay barar fuuqsadaan 
Sidii Dibi bey madow 
Hadday u banaaxiyaan
  Badhyaa-cune jeer hungow
 Xaqiiqada boodh ku laac.
 Adduunyadu waa besteed 
Nin biima ah baa khatalay 
Hub iyo buntukh loo shushubi 
Sidii bulay loogu hees
 Intii ba’an laysu dhiib
 Dalaal lagu beer-caddaa 
Qof iyo baradiis is cune 
Bariidada lays la waa. 
Wuxuu Boqorkeedu yidhi; 
Wixii Bido meel u yaal 
ILaah bixiyaa ka dhow
 Bushaarana way jirtaa. 
Hadday falaw baaban tahay
 Banaanadiyaa xasladah, 
Hadday bili doorsan tahay
 Baftiyo qurux baa u taal,
 Hadday tahay biir aja ah 
Caway ku ballaysan tahay,
 Bar-laawe hadduu didsaday
 Barbaar gudan baa u nool,
 Hadduu Baqal-fuul gurguray 
Baroor faras baa hidda ah, 
Hadduu Badhax-miis ku dhalay 
Runtaan la-biyeyn karayn, 
Nin baydhsadayow dan guud
 Waxaa jira baadi-doon, 
Af booli wixii ku maqan 
Col soo bedayaa ogsoon,
 Badraanno hadday jiraan 
Barqaa lagu waayayaa, 
Hadday wada baar-qab tahay
 Wixii dhacay geed Berda ah 
Fircoonnada baaxad dumey 
Beryii tegey baa hubsaday, 
Dhufaanna bir waa yaqaan.
 Hadday wada B.M tahay 
Buruud kiciyaa dul yaal, 
Waxay bohol jiidhayaan
 Libaax bulbullaa ku jira
 In baal sidataa dahsoon 
In baabbacalaa digtoon 
Dhashii Beder baa xidhxidhan 
Biddena camalkiis u daa

Comments