a thousand nights and night

 




WAA MAXAY SHEEKADA (1001): 

Waa sheeko la isku khilaafay asal ahaan halka ay kasoo jeedo, dadka qaar waxay qabaan in ay kasoo jeedo boqortooyadii saasaan ee xukumi jirtay Hindiya iyo Sandi, halka dadka taariikhda wariya qaarkood kalana ay leeyihiin waxay ka dhacday  Ciraaq, sidoo kale waxaa la sheegaa iney ka dhacday Masar xitaa Yahuuda waa lala xiriiriyay. 

Laakiin arinka xaqiiqda u dhaw ayaa waxay tahay boqorka ay sheekada ku socoto ee Shahri-yaar inuu xukumi jiray meelo aasiyo kamida ah, sheekada waxaa ku jiro qisooyin badan oo aan caadi u naqaano sidii qisadii Calaa-udiin iyo Feynuustiisii yaaabka laheyd, waxaa kaloo kamid ah sheekadii Cali-baaba, iyo todobadii safar eee badmaaxii weynaa ee Sindibaad. 

YAA QORAY SHEEKADA: 

  Ilaa iyo hada lama yaqaano qofkii asal ahaan sheekadaan qoray laakiin casrigii dahabiga ahaa khilaafadii cabaasiyiinta ayaa sheekadaan lasoo turjumay markii ugu horeysay, sidoo kale waxaa ingiriis loo tutrjumay sanadkii 1704tii. 

IMISA LUUQAD AYAY SHEEKADAAN KU QORANTAHAY: 

Majirto luuqad caalami ah oo aysan sheekadan ku qorneen waana sheekada loogu akhriska badanyahay aduunka waxayna ku turjumantahay luuqadaha sida: carabi ingiriis, Talyani, Faransiis, Giriiga, Spain, Portugal, Germany, Swedan, Denmark, Russian, Scotland, Poland, iyo Hungry xitaa Soomaali ayay ku qorantahay, sidoo kale waxaa laga sameeyay filimaan iyo musal-salaad caan ah. 

MA RUNBAA SHEEKADA KUN HABEEN IYO HABEEN:

 Waxaa xaqiiqo ah inuu jiray boqor Shahriyaar iyo xaaskiisa Shaharzaad, laakiin waxaa la isku khilaafay in sheekooyinka meesha ku qoran oo ay ka sheekeyneyso Shaharzaad iney run yihiin iyo inkale. Waxayse u badan tahay in qaarkood yihiin sheekooyin khiyaali ah oo hab aad u macaan si farshaxan lehna loo qoray sida sheekada Cali-baabaa oo aan dib ka qori doono iyo sheekadii Badmaaxii weynaa ee Sindibaad sidoo kale sheekadii xamaaligii iyo gabdhihii. Waxaa kaloo kamid ah sheekadii boqor Yoonaan iyo ninkii xakiimka ahaa ee Rooyaan la dhihi jiray, waxaase ku jiro sheekooyin xaqiiqo ah sida sheekooyinkii ay ka warineyso boqorkii caadilka ahaa ee HAARUUN AL-RASHIID.

 WAQTI INTEE LA EG AYAY SOCONEYSAA: Sheekada waa mid aad iyo aad u dheer waana mid ka mid ah sheekooyinka ugu dhaadheer ee aduunkaan la qoray gabadha sheekada warineysana ee Shaharzaad waxay ku qaadaneysaa kun habeen iyo habeen inkastoo buugaagta qaar lagu soo koobay ilaa iyo 200 oo habeen. Sidaas darteed aniga xitaa ma aqaano mudada ay soconeyso, laakiin waxaan rajeynaa inaan gabi ahaanteedna iyadoo turjuman idin soo gudbiyo.

 Waxa ugu muhiimsan ee aan idiin hubo ayaa waxay tahay inaadan marnaba sheekada ka caajiseynin, oo midba mida ka dambeyso kasii macaan tahay, daqiiqadna kama caajiseysid taas anigaa kuu hubo,  mana laga xiiso dhacaayo. 

WAQTIGEE IYO QAABKEE SHEEKADA USOO TABIN DOONAA:

 Sheekada iyadoo qoraal ah ayaa maalinkasta Filimside lagu soo daabici doonaa insha Allah ayadoo tifaaf tiray sidoo kalena xalqo xalqo ah micna habeen kasto hal xalqo ama hal sheko ayaan idinla wadaageynaa. XUQUUDA TURJUMADA: Qofkasta ayaa fasax u heysto inuu sheekadaan sii gudbiyo laakiin waa inuu xusaa xuquuqda turjumada (xigasho) micnaha qofka turjumay fadlan xus marka aad adeegsaneysid. 

GABO-GABADII:

 Waxaan idinka rajeynayaa inaa igu dhiiri galin doontaan turjumista sheekadan xiisaha badan madaama aan jecleestay inaan afkeena hooyo ku qoro mid ka mid ah sheekooyinka dunida loogu jecel yahay.

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN Q1AAD

 Waxaa la sheegaa ALLE ayaase xaqiiqda oge, inuu jiray waaa hore boqor oo kamid ahaa boqoradii Reer Saasaan taasoo dhacdo Galbeedka Hindiya iyo Sandi. wuxuuna ahaa boqor leh awood ciidan iyo mid dhaqaaleba wuxuuna dhalay labo wiil, oo kan weyn la dhihi jiray boqor shahri-yaar kan yarna Boqor Shaah-Zamaan.

 waxaa dhacday in boqorkii weynaa uu xanuunsaday xanuunkiisii geerida kadibna isugu wacay labadiisii wiil ee Amiiradaha ahaa wuxuuna usheegay in Boqortooyada u kala qeybiyay ooo midba goonidiisa wax u xukmin doono oo aysan isku xad gudbin. 

Kadib markuu boqorkii weynaa dhintay labadii wiil sidii ayay yeeleen midkasta boqortooyadiisa ayuu maamushay, mudo markii ay kasoo wareegatay oo aysan is arkin ayaa waxaa dhacday in boqorkii weynaa ee shahri-yaar u xiisay walaalkiisa ka yar wuxuuna u qoray fariin uu ugu sheegayo inuu uxiisay oo uu u imaado, boqorkii yaraa wuu ka yeelay hadalka walaalkiisa wuxuuna go,aansaday inuu usafro, Maalintii dambe ayuuu soo safray boqorkii yaraa markuu mudo jidka kusoo jiray ayuu wuxuu soo xusuustay inuu iska soo iloobay hadiyad khaas aheyd oo uu ugu talo galay walaalkiisa ka weyn, sidaas darteeda dib ayuu usoo noqday wuxuuna qasrigiisii kusoo noqday waqti habeen ah, markuu qolkiisii soo galay ayuu wuxuu arkay arin argagax leh aadna uga fajacisay, wuxuu arkay xaaskiisii oo adoon sariirta la saranyahay.

 Boqor shaah-zamaan markuu arkay arintaan ayuu aduunkii la madoobaaday wuxuuna is yiri “hadiiba naagtaan falkaan ku kacday adigoo aana wali baladka toos uga bixin maxaa dhici lahaa hadii aad maalmo sii maqnaan laheyd??” markaas ayuu go,aansaday inuu labadoodaba ka taqaluso asigoo kurka kawada gooyay. kadib boqorkii asigoo murugeysan ayuu iska soo baxay wuxuuna u yimid walaalkiisii iyo boqortooyadii uu ka talinaayay, kadib boqor shahri-yaar aad ayuu ugu farxay imaatinka walaalkiisa kayar si fiican ayuuna usoo dhaweeyay lkn wuxuu dareemay in walaalkiisa kayar faraxsaneen. Markaas ayuu u qaatay inuu la murugeysan yahay maadaama uu kasoo fogaaday dhulkiisii iyo boqortooyadiisii.

 kadib boqorkii weynaa wuxuu sameeyay wuxuu diyaariyay mowkib si ay ugaarsi iyo tamashle u aadaan asigoo ugu dan lahaa in walalkiisa kayar kaga farxiyo si uu murugta u iloobo. maalintii la bixi rabay ayuu boqorkii yaraa ka cudur daartay inuu baxo, kadib walaalkiisii weynaa iyo kooxdiisii kaligood ayaa ugaarsigii aadeen. boqorkii yaraa asigoo qolkiisii isaga jiro aadna umurugeysan ayuu daaqada qolkiisa oo xigtay dhinaca beerta qasriga shanqar ka dareemay, markaas ayuu dhinacii soo aaday muxuu arkay? Wuxuu arkay arin ka yaabisay tii heysatayna ka daran, waxaa beerta qasriga soo gashay dumaashidiisa uu qabay boqorkii weynaa oo adoon gacanta heysato iyo 20 jaariyadooda oo mid kasta adoon gacanta ku heysato halkii ayaana tumasho lagalay.

 Markaas ayuu boqorkii yaraa ee shaahzamaan is yiri wallee dhib ku heystay waxaa ka daran kan walaalkaaga maanta heysto, wuxuuna go,aansaday inuu iska iloowo murugtii heysatay caadina iska noqday. Markuu soo labtay boqor shahri-yaar wuxuu dareemay isbadalka ka muuqdo walalkiisa boqor shaah-zamaan wuxuuna go,aansaday inuu weydiiyo.

 Markii dambe ayuu weydiiyay wuxuuna ku yiri “walaalow halkaan markaad imaaneysay waxaa kaa muuqatay murug iyo tiiraanyo lkn hada caadi ayaad tahay, ee waxaad ii sheegtaa waxa murugta kaa kenay iyo waxa murugta kaa qaadayba?” Wuxuu ku jawaabay boqorkii yara ” waan kuu sheegayaa waxa murugta iga keenay lkn kuuma sheegayo waxa murugta iga qaaday” Markaas ayuu boqorkii weynaa yiri waayahaye bal iisheeg waxa murugta kuu keenay, markaaas ayuu uga sheekeeyay arintii uu kala kulmay xaaskiisa iyo adoonkii  ay sariirta la saarneedba, Markaas ayuu boqor shahri-yaar yiri illaa wa illaa waa inaad ii sheegtaa waxa kurbadaas saas uweyn kaa qaaday markuu ku adkeeyey ayuu usheegay wixii beerta qasriga ka dhacay. 

Boqorkii weynaa wuu rumeysan waayay, markaas ayaa walaalkiisa ka yaraa ku yiri hadaad beenteyda umaleyneyso dadka isugu wac oo ku dheh dalxiis iyo ugaarsi ayan aadeynaa markii labaxana inta soo dhuumato qolkeyga soo gal. Boqor shahri-yaar sidii ayuu sameeyay kadibna maxaa dhacay wuxuu arkay xaaskiisii iyo adoonkii iyo wixii walaalkiisa uga sheekeyay.

Comments

Post a Comment